VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa rag - Lyrics

waxa raanta loo feedhayaa waa rag waxa cadarka la iskugu rushaa waa rag waxa fiidkii loo roorayaa waa rag waxa dunida roorkaa ku riday waa rag waxa rogaya reeraha burburin waa rag waxa raranka nala doonayaa waa rag waxa raaxo loo diidayaa waa rag waxa rubida laga guranayaa waa rag waxa raasamaalkii la cuni waa rag dadka waxa rafaadka ugu wacan waa rag waxa noloshii bilicda ka raray waa rag xaqiiqdiyo runtii waxa ka tagay waa rag rabigay kuwuu taliya yidhi waa rag kuwa nabada lagu reeya xidha waa rag kuwa raarta loo raarayaa waa rag kuwa quruxda nagu raacayaa waa rag markaan raawishnana naga ordaa waa rag rasmi iyo kuwaan aayo rabin waa rag
Queue is empty
-- / --