Najiib
Haddaan sabab la isku dooran
Sun buu dhalayaa jacaylku 2x

Iqro
Haddaan samo lagu heshiinin
wuxuu ka dhacaa sallaamo 2x

Najiib
Haddaan samir lagu wadeeeeeeeynin
wuxuu ku dumaa sahalo 2x

Iqro
Haddaan bogga lagu sideeynii
waxaa siga xaasidkiiisa 2x

Najiib
Axdiga waan kula sidaayee a
hoow siddig igu mataan xasuus sawirkayga hayso 2x

Iqro
Qalbiga wuu kula socdaayo
adoon i saluugin bby-mcn jacaylka boggaaga seexi 2x

Najiib
Kalgacal waa sooryo fiican
haddii saxda loo abbaaro 2x

Iqro
Caashaqa waa sayma rooboo
hadduu helo saamigiisa 2x

Najiib
Haddii laabta loo sifeeyoo
sad weeyaan aan dhammaaneeyn 2x

Iqro
Ogoow waa sahan gobeedoo
waxaa sunta ruux yaqaanaa 2x

Najiib
Axdiga waan kula sidaayee ahoow
siddig igu mataan xasuus sawirkayga hayso 2x

Iqro
Qalbiga wuu kula socdaayo adoon i saluugin
bby-mcn jacaylka boggaaga seexi 2x

Exit mobile version