Heesta Abaal - Lyrics
jacaylkii igalay godobiyo xanuunkee
gasiinkiina iga jaray ii diiday gama ee
gocashada dareenka leh af gobaadsi moyee
iila maad gorfaynoo garab kaama helin wali
abaal ruuxa kuugala waa loo gudaaye
hadaad galinba cayn tahay i gumaysan mayside
adigiyo garaadkaa
jacalkii i gubay gibilkayga doorshay
galiilyada anoo qaba igu dilay gilgilashada
gantaalkiyo dhibaatada godob xoogle mooyee
igamaad garaabinoo gacankaamaan helin abid