barashada dareenka bilawday
adaa beerayoo bogacaashaq
boqolkiiba boqoal barodhaafay
ku barbaarshay boosna kuyeeshay

isbilnoo hadeer isbogsiinay
dhugashada midkeenba mid baanay
bilkastana xuskiisa ku baaqnay

baga baga jacal wada beernay
baga baga bishaaro ku dhawrnay
baga baga nuurkii ubahawnay
baga baga bartaana ku hasynay

qof bashaasha gaari bidhaansan
bishmeheedu weed baran beedhsan
iyo biqorad diin ku barbaartay
basharkuna bogaadinayo baad tehee

badh kamida naftayda ku beran
iyo baari ruuxdani ubaahan
ku banaan bilaahi adaa ah

Exit mobile version