VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dookh - Lyrics

Qalbiga wehel baad u tahay Qudhana kali baad ku tahay Nolosha qaybaad ka tahay Labada qaar baad mid tahay 2x Jacaylka qisaad u tahay Naftaydaad qareen u tahay Indhaha qabashaad u tahay Niyada qanac baad u tahay 2x Qadaha dhiigee jidhkiyo Xididka quudiyo wadnaha Sidiisaan u qaybsanay Labu isu qoray ilaah Qof iyo waxa nahay sadkii 2x Waxyaha quwad baad u tahay Qasliga himilaad u tahay Qorshaha guushaad u tahay Quluubta xidig baad u tahay 2x Qayrkaa kow baad u tahay Qarnigaad quruxlay u tahay Quraysh dumarkaad u tahay Qofbaad dookhiisa tahay 2x Qaadaha dhiigee jidhkiyo Xididka quudiyo wadnaha Sidiisaan u qaybsanay Labuu isu qoray ilaah Qof iyo waxa nahay sadkii 2x
Queue is empty
-- / --