Heesta Dookh - Lyrics
Qalbiga wehel baad u tahay
Qudhana kali baad ku tahay
Nolosha qaybaad ka tahay
Labada qaar baad mid tahay
2x
Jacaylka qisaad u tahay
Naftaydaad qareen u tahay
Indhaha qabashaad u tahay
Niyada qanac baad u tahay
2x
Qadaha dhiigee jidhkiyo
Xididka quudiyo wadnaha
Sidiisaan u qaybsanay
Labu isu qoray ilaah
Qof iyo waxa nahay sadkii
2x
Waxyaha quwad baad u tahay
Qasliga himilaad u tahay
Qorshaha guushaad u tahay
Quluubta xidig baad u tahay
2x
Qayrkaa kow baad u tahay
Qarnigaad quruxlay u tahay
Quraysh dumarkaad u tahay
Qofbaad dookhiisa tahay
2x
Qaadaha dhiigee jidhkiyo
Xididka quudiyo wadnaha
Sidiisaan u qaybsanay
Labuu isu qoray ilaah
Qof iyo waxa nahay sadkii
2x