VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yartu boqoradii - Lyrics

Yartu boqoradiyo boqoradiyo Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa 2× Gabadhani banaadir beelaha dagiyo Cisho sharfluu Alle ka beerayoo Dhamaan soomaaley ku barbaartayee Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa 2× Waa mid baariyoo quruxloo bulshoo Basar iyo asluub isku biirsatoo Bilistaba dhamaan ugu bilan hablaha Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa 2× Tafiir barakeysan weeyi Aabaheed geesi weeyi Hooyadeed gacalo weeyi Geenyadii bureeqo weeyi Geenyadii geenyadii Geenyadii bureeqo weeyi Yartu boqoradiyo boqoradiyo Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa 2× Geesi loo bogoo Boqor kuu qoroo Boqol geela iyo Iyo baarqabkii Faras booda iyo Bunduqii hablaha Laga bixin jiruu Dhaban uga baxshoo Aroos bile fiican weeye Duco baaxadeed Laga baray xijaab 2× Aroos bile fiican weeye Helele heliyaalo heliyaalo Abtirisiin ka buuxdoo Helele heliyaalo heliyaalo Farxad wada buuxda weeye Helele heliyaalo heliyaalo Barwaaqiyo bari samaa Ayaanku ku beegay weeye Barwaaqiyo bari samaa Ayaanku ku beegay weeye 3×
Queue is empty
-- / --