Heesta Caruurteeyda aabahood caruurteeyda hooyadood - Lyrics
caruurtayda aabahood
caruurtayda hooyadood
cu iyo aan wada cunaa
nlosha aan caadaysanoo
cab iyo hoo ila cabaan
kusoo caano maalnayoo
ceegaagnimada daawashada
indhuhu kama caajisaan
waxaan ku cawaysinaa
caashaqa midhahi ku baxay
cadceedii soo baxadaba
ducaan cidhifka u sudhaa
caruurtayda aabahood
indhaha carfigeeda jecel
cusuyb uunbay u tahay
caruurtayda hooyadood
caruurtayda hooyadod
caruurtayda aabahood
calool furan laab fayoow
cafi iyo saamaxbaan
taniyo waagaan cuskaday
calafkaa isku kaaya daray
cimriga ku wadaagnayoo
cawaan wada haysanaa
cagaha waxaan kula jirnaa
cirkii da,ay maalintaa
eegmada cosob uu yahay
cishana laga maarmi karin
caruurtayda aabahood
bil weeyaan caysanooo
isdhaaf carabkeedu ma leh
caruurtayda hooyadood
caruurtayda hooyadood caruurtayda aabahood