VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deymo hibaaq - Lyrics

Waa daymo yaabloo Waa dabaylaha kalgacalkiyo Duufaanka xiisuhu Sida dirirka cawleed Ama daad i qaadyoo Ku dayoobay aragtida Dajiyaay hibaaqeey Duntii ehlu baydkiyo Inaad tahay duriyadii Diirkii Nabi Ismacil Dabcigad u dhalataa Dunidaba qariib ku ah Dabcigaad u dhalataa Dunidaba qariib ku ah Dumar ugu filrooneey Dawliilka quruxda Darmaan loo hibeeyaay Marka aan ku daawado Caashaqu i damaqyoo Dhugashada ma dayn karo Dajiyaay hibaaqeey Duntii ehlu baydkiyo Inaad tahay duriyadii Diirkii Nabi Ismacil Dabcigaad u dhalataa Dunididaba qariib ku ah Dabcigaad u dhalataa Dunidaba qariib ku ah
Queue is empty
-- / --