dhaqan iyo camal wanaag cadran igu deeqdayee
caashaqaan qabo dartaa cidaad necebtee ku nedceb
dhankaygaan colaadiya
indhuhu cishaday ku arag jawiga noloshu cakiran
codkaaga markaan maqlaa cuntadu iga daadagtaa

si aynaan u kala cidloon caajiska ereyada tir tira
mar walba igu soo cel celi mar walba

cudoonida daganida hablaha kaga caan baxdaa
naftayda carbuunatoo waxaan kuu cadaynayaa
inaan cidhifkaaga jiro macaan
carabkiyo yeedhma daada codsiga ka jawaabistaydu
markay ceesh wadaag noqdaan ayaan caafimaad helaaye

Exit mobile version