VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Farxada guurkaaga - Lyrics

Walaalkay gacaloyoow Gaafkaaga hadii aanan iman Halkaad ku aroos gashana Qalbigaan kaala goynayaa Gibladiyo dhaantadee Dhambaalada iga gudoon Guushayda mid kaaba iyo Geeshaan ku dagaal galiyo Garabka midigtayda iyo Geesi aan wada dhalaniyo Walaal ii gooniyoow Farxada guurkaaga iyo Inaan gelbiskaaga iman Gaabkaa iga kaa xidhiyo Dunida sii kala go'daa Gar eexo inoo dhigtee Walaal ii gooniyoow Gudoon hambalyada gudoon Gurigaad wada dhisteen Geenyadaad wada jirtaan Illaah ha idin garab galee Abidkiin is gargaara oo Gasiin wada quuta oo Gabdhiyo dhala wiilaloo Nolosha farxadeeda gala Halyay garashadu hagtoo Mid aan gunimada aqoon Xaqiyo kala gura dulmiga Gaashaanka naftayda iyo Walaal ii gooniyoow Halkaad ku aroos gashiyo Inaan geeskaaga iman Gurbaanka inaanan tumin Gefbay iila muuqataa Xilkaaga inaan gabee Walaal ii gooniyoow Gudoon hambalyada gudoon Gurigaad wada dhisteen Geenyadaad wada jirtaan Illaah ha idin garab galee Abidkiin is gargaara oo Gasiin wada quuta oo Gabdhiyo dhala wiilaloo Nolosha farxadeeda gala
Queue is empty
-- / --