asluubtaad huwantihiyo
hayaankiyo jooga wacan
ayaan haybshaa aniguye
horseedbaad dumar u tahay
naftaydii kaa heshee
macaan hadimada ka dhawr
hurdadaan kugu tabayaa
anigu way misana wali
kuma hayee haraadkaan kuu qabiyo huunooy
huqdani goormay dhamaan
sidii hogol soo dadoo
hilaac ku lamaanyahad
maankayga hagtay adiguye
qudhaydii adaa hantiyay
xabiibi kugu soo hirtaye
hogaanka xayaati qabo

Exit mobile version