ruux ku jamataa jalkii ka soontoo
jiif ka guurtoo joogsan waydee
janooy bilcanida bilcanidaa

waan jiboodee juuqsan lihidaa
jidhidhicoodee jalaqsan samidaa
oo jalbeeb wacan jaar la ihidaa

jaah qurxoon iyo jamaal san lihidaa
joog dhamaysiyo jawharad sasamida
oo jaleecada soo jiidan ogidaa
oo jaleecada soo jiidan ogidaa

qudh kula jirtaa kuba jaraynoo
kuu jiljilicdoo kuuna jeelane
maad ka jeedsani huunooy

waan ku jecelee jaal ma i noqon
waan jiranee naftan kuu jaban
way jaraysaayee jeex ma ii noqon

Exit mobile version