kal iyo laab anoo ku jecel
kalaam xuna aan ku odhan
maxaad kaar iyo xanuun
kadeed u badaa qalbiga
kawnkana hablaha kacay
kawdaan ka xushaa tahee
anoon kaaftoomi karin
maxaad kali iiga dhigi
nafaad karahadaa hadana
sinaba kaaga maarmi karin
kaalo ha u jabin nacabka

kolaba labadeena ruux
inay kala fiig noqdaan
faa,iido ma keento e
kasoo nqo ciil kordhini
macaan kalaam eersashada
kolaba kaama dayn karee
adoon ruuxdana karhayn
koolkooli xiskaad ku taal
nafaad karahdaa hadana
sinaba kaaga maarmi karin
kaalo ha u jabin nacabka

Exit mobile version