VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qushuuc - Lyrics

qofba waa qofkaygu waa qaali qudhba waa qudhiisu igu qanacsan haa igumuu qasaarine dookhu qofsan ii xul qalbigaa jacayl u qaboo mid kale qabanayn mana qoomamayn barashada mar qudha ma qabyaynin qofka aan jecelahay farxadaan ku qabo ma qiyaasnaa qosol iyo kalgacal waqtigayga kula qaatay isma quudhsanoo qabku wuu xunyahee ka qashaafnay jacayl qiimoliyo dareen qaayo badan isu qiranay axdi qaraniyo balan qoysaba wada qaadnay anigoo qawadin nolol qaybsanoo u qushuucay siday tahay qardhaas wadnahaan ku qoray qumantayda naftu way qirtee quruxdeeda la isla qaaday qotonkeeda iyo qaab dhismeedku isu qaab weeyee qacda eegmadiyo arageedan ku qaboobay qun u yeelatoo qalanjadu naftii qandaraastay qabsatoo kasha qayrkeed u jecel qawlkeeda anagoo hal qudha qorshe yeelanoo qabyo diidnay qadaf waa dhacaa kaayaga qaldami saxa qaaday jacayl qiimoliyo dareen qaayo badan isu qiranay axdi qaraniyo balan qoysaba wada qaadnay anigoo qawadin nolol qaybsanoo u qushuucay
Queue is empty
-- / --