VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xamdi - Lyrics

Gab naftaan ku ahaybaan marnaba la iga goyn karineey Qofku dookhu galaybaan Sinaba uga gayoon karineey Kama goosto ruux maalin qudha Caashaq ii galayeey Qalbigayga gogol baa u taal gaaridaan rabayeey Oo geenyadaan calmaday Maankiibay gadatee Oo gobtaa burcaan maalinqudha ruuxna garab dhigine Inaan nolosha garab joogsadaa guul bay ii tahayee Gobonimo aan u haystaa inaan gogol wadaagnaaye Oo guurkeedu wuxuu ii yahay geesinimo wayne Gedgedonka waayuhu marnaba nama galaaftaane Nacab ii gunuusaa walee igama geeyaanee Gar allee anaan uga baxayn geda caadhaqee Gabadhii gabadhaha ruux u helay goonibaan ahaye Guri awoowyaashaa xamdi lagu gardaadiyee Ayaa saylac geeyiyo gabiley awdal gudaheeda Inaan nolosha garab joogsadaa guul bay ii tahayee Gobonimo aan u haystaa inaan gogol wadaagnaaye Oo gobtaa burcaan maalinqudha ruuxna garab dhigine Ayaa saylac geeyiyo gabiley awdal gudaheeda Oo guurkeedu wuxuu ii yahay geesinimo wayne
Queue is empty
-- / --