dunida kaan ugu jeclaa dookhaygu yarku ka helay
dadkaygu hadaanay rabin mid kale ila doonayaaney
dareenkii caashaquna dushayda ku meersanyahay
weheey dakharada cishqigu aniga doog igu noqdeen

naftayda miyaan dilaa dadkayga miyaan maqlaa
ma taydaan door bidaa anigu

dawada qalbigaygu rabo jidhkaa i dubaaxinaayo
indhaha daymada u boga ku doogsada oo ku daga e
hadii la dirqiyo jacay; sideen bal u daa dahshaa
weheey daanada kalgacal aniga ii dayn kartaa

Exit mobile version