Heesta Wadnahayga jaceylku - Lyrics
wadnahayga jacaylku wadaduu
ka samaystay waylahaa ka arooree
kuwa dhiiga wareeja halbawlaha
ma waraabshaan shaqadii isla waayeen
naf la wayrixinaayo ha ku wiirsan
walaal warka maad iga qaadiin
waa mudee wacad eebe walbahaarka
aduunyo waalalowyo waynaa
sidaan kuu warinaaya anigo ka walaacsan
warka waan la socdaayee inaan weeyi idhaahdo
wakhtibaanan u hayne ha igu waabin jacaylka
inkastoo la i waansho halka ii widh widhaysa
la iga waabin maayo wakhtigaa is guraayee
wiyilbaa igu gadooday waaxyahaa la dhameeye
markaan wiilasha saaruu waan wisiisiyaaye
anba waan ku wreero waana waayo tusaaye
adigaaba is waalay wadadaad socotaana
waa wadiiqo halawsan waxna kuu wadi mayso
waxba ha i dul wareegin sharaftaada ha waayin
wacad maynu lahayne