waxaad abid raadisiyo
eeey waxaad rabto inaad heshaba
intuma kaama raarna oo
raxmaankaa bixin karee

indhaha anoo raaracshoo
rajada meel dheer ka daya
rabbigu dagdeg ma igu siiyay
naftaydu waxay ku raysay

rasiyo ubad lagu badhaadhay
raxmaanku intuu nasiiyay
raggaba kii ani ideeqay
ayaan nolol runa wadaagnay

anoo rakka iyo dhib marin
waxaan ku riyaaqay helay
qalbigu wuu reeystay eeggoo
jacayl rasmiyaan hantiyay

rugbaan degay lagu nastoo
waxaan la rafiiqay ehel
kuwii rabbi laga baryaayay
nafteeydu waxeey ku raysay

rasiyo ubad lagu badhaadhay
raxmaanku intuu nasiiiyay
raggaba kii ani ideeqay
ayaan nolol runa wadaagnay.

Exit mobile version