waxaan kugu daalaya
waliba kuu dabacsocdaa
daareen caashaqoo dhaba
dhankaaga ka doonaya

damaciyoo kalgacalkuna
waa dariiqa noloshee
labadii dan guud rabaa
ay ku wada dagaan meel

mar hadaan ku doortoo
dookhaygii aad tahay
hab dabacsanliiyo
caashaqa u sii daa

dumarkuna celcelintiyo
kuma fiicna diidmo
dahab sharaf leh weeya oo
xurmaa lagu daweeya

raga dunida joogana
adigaa i deeqo
oo aan doonaya adi
inan kaa dhexdaawado

Exit mobile version