Dharaartaynu kulaniyo
Dhaayaha ku saaraan
Intuu dooqu igu dhacay
Jirka lagu dhameestiray

Sida aad igu dheertahay
Ragba midaan ku garab dhigo
Weli dunida kamuu dhalan

Dhaxalkiisu caashaqu
Ha inaga dhaxeeyee
Dhidibta aan utaagnee
Ka ilaali  dheelida

Dhambaal wadaha beerkiyo
Sanbkaa dhax mirantoo
Dhabtii ruux waxaa tahay
Dhiiga ila qeebsada

Dhankayga iyo dhankaagaba
Midna dhibi kama ay iman
Jacaylkii muu  dhumin

Dhaxalkiisu caashaqu
Ha inaga dhaxeeyee
Dhidibta aan utaagnee
Ka ilaali  dheelida

Exit mobile version