VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habrasho - Lyrics

Halkii runta lagala baqo Habrasho filo la yidhi Hubaal xubigaan ahayn Hiyiga ma degaa la yidhi Hiyiga ma degaa la yidhi 2x Kalgacalkaan la isku habin Hanasho ma lehbaa la yidhi Waxaan la hurayn hadhow Hadeer qababaa la yidhi Waxaan la hurayn hadhow Hadeer qababaa la yidhi 2x Hedaada qofkii ku weyn Hadimo ma gayaa la yidhi Heestaan loo meel dayeynin Halhays ma lehbaa la yidhi 2x Rajadaan loo hawl galayn Hagaag ma lehbaa la yidhi Hiigsiga aan loo dhafreyn Himilo ma lehbaa la yidhi Himilo ma lehbaa la yidhi 2x Hayaankaan sahan lahayn Hadhkii ambaybaa la yidhi Hiil iyo deeqbay gashaa Hiigmada horebaa la yidhi Hiil iyo deeqbay gashaa Hiigmada horebaa la yidhi 2x Hedaada qofkii ku weyn Hadimo ma gayaa la yidhi Heestaan loo meel dayeynin Halhays ma lehbaa la yidhi 2x
Queue is empty
-- / --