anigu marna kaama fiigo
agtaadana kama fogaado
fariimahan maanka deeqa
ogoow adi kaama gooyo

anigu fikir kuguma beero
farxadda adi kuuma diido
jacaylka intaan ka faano
maquursado fiicnidaada

adoo sama iga filaaya
fallaar daran kuguma taago
waxaan ku faqniyo xogteenna
anigu nacab uma furfuroo
wanaaggaaga ifaranoo
ma faaqido iimahaaaga

anigu marna kuma fudaydso
sidii nacab kuma faquuqo
intaan kula simo filkaaga
masoo gudo ficiladaada

anigu fajac kuguma loogo
dhibtaadana kuguma fiirsho
intaan kugu falo xanaan
xumaan hore soow ma faago

adoo sama iga filaaya
fallaar daran kuguma taago
waxaan ku faqniyo xogteenna
anigu nacab uma furfuroo
wanaaggaaga ifaranoo
ma faaqido iimahaaaga.

Exit mobile version