Heesta Lisaan - Lyrics
Jacaylkii igu ladnaa
Lurka iyo hooshu ibaday
Ladnaaday markaan ku helay
Maanta labbo aynu nahay
Lilaahi kuwada socdoo
liisaankoodu hergakay
Liibaanta ALLAH hayee
Lab iyo dhidig ubadyoo
Mac iyo ubax baan arkaa
Laabtana waan kugu hayaayee
Jacaylka ku laamo doon
Jacaylkii loo lalabay
Markuu libintii hantiyay
Ayuu laqdabadii ka baxay
Inaga oo licinoo
Lur iyo hool dhib iyo
Dunida laylayl ku arag
Liibaanta ALLAH hayee
Lab iyo dhidig ubadyoo
Mac iyo ubax baan arkaa
Laabtana waan kugu hayaayee
Jacaylka ku laamo doon