wuxuu nabdigaygu
naruurada dookha
si wayn ugu naaxay
markaynu naf qaybsi
ku wadaagnay nolosha
waxaa nal u daaray
qalbiga kuu nqaystay
nasriga kalgacaylka
nasiib ku lifaaqay
nadarka indhahyga
nuurkii u shidnaayoow
naftayda naftaada
nudbaa ugu yaala
ka dhawr wax nugleeya

hadaanu is nuujin
nidarka u dhexeeya
naflaha is jeclaaday
ma waayo nagaansho
nafaqeeya qalbiga
waxaa niyadaydaa
ku nasiibay raaxo
natiijda guurka
nimcadaa laga dheefee
nadarka indhahyga
nuurkii u shidnaayoow
naftayda naftaada
nudbaa ugu yaala
ka dhawr wax nugleeya

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version