axdigii adigaa xumeeyay
xidhiidhkeeni badh gooyay
xajiinta adiga u quudhay
xiskayga jacaylkii yiilay
adoo xakamaha ku xidhay
naftayda xakamaha ku xidhay
xubina laabtayda dagay
dareenkii xagaaga jiray
xiqdiga adigaa ku beeray
markii aad xanaanin wayday
kalgacalkaan xanaf u diiday
xanuunku kali igu ahaaday
qalbiga ka xoreeyay maantee
nabsiga kaligaa xambaaro

gayaanka anoon aan xaalin
xayaatada kuu hibeeyay
xaqdhawrka adigaaa ka booday
waliba xasilooni diiday
adoo xadhigii jacaylka
qalbiga ku xidhay jacayllka
xubnaha laabtayda dagay
xagaaga dareenkii jiray
xiqdiga adigaa ku beeray
markii aad xanaanin wayday
kalgacalkaan xanaf u diiday
xanuunku kali igu ahaaday
qalbiga ka xoreeyay maantee
nabsiga kaligaa xambaaro

Exit mobile version