Heesta Natiijo - Lyrics
nolasha dunidani
naq rooban
nasiibku haleelay
dookhan
niyaan ku hantiyay
wanaagan
natiijo ka gaaray goortan
naftii u basaastay ruuxdan
niyaayiradeedii guushan
nacbaan ka foogeeyay maankan
nabad baan ku gaarnay guurkan
ninmcaan ku degiyo
nasiiib san
nuurbaa noo shidan nal fiican
naruuraan ku helay aduunkan
niyaan ku wadaagnay deeqdan
nafaqo waa aragtidiisan
nuglaasho ku saday quluubtan
nasteexada hadaladiisan
nagaansho kubeer xiskaygan
naxwaha murtidiisa dhawrasan
nayruus ku xasilay dareenkan
nolalaan la sinneeyn garaakan
nasiibkaa isiiyay wiilkan
ninmcaan ku degiyo
nasiiib san
nuurbaa noo shidan nal fiican
naruuraan ku helay aduunkan
niyaan ku wadaagnay deeqdan