Heesta Nin Rageed - Lyrics
Annigu nugul aan u ahay
Naftiisana waan uhubaa
Inay iitahay nasteexo
Halkii nacabku ogaa
Naxligu gaarsiinayaa
Nin nool lama raadiyee
Waxuu nasiibay qalbiga
Waxuu yahay nooc ka mid ah
Dhamaan niyada iyo jirkaba
Nasiib lama wada sinnee
Anna nin rageed hantiyay
Welibba nimco gaarayiyo
La nool fadxigaan jeclaa
Naqiil aan filaahiyo
Nasrigii aan raadi jiray
Nalkii ii daarmiyo
Waxaa tahay nuur kalgacal
Naftayda mid yeeshiyo
Hubiga ku nasaa tahay
Adoon nool ruux kalana
Miyaan ku nagaan karaayee
Nasiib lama wada sinnee
Anna nin rageed hantiyay
Welibba nimco gaarayiyo
La nool fadxigaan jeclaa