Heesta Sayiga - Lyrics
waxa saaka iyo shalay
saaka iigu kala duway
si cad iigu kala duway
waxa sabanadii hore
uga soocday maalmahan
sadriga iyo laabtuba
midkay wada sugaayeen
ayuu mawle igu simay
sayigaan calmadayoow
waxaad tahay sad iyo maan
saatir igu galadayo
qofna kulama simi karo
sibqashada jacaylkiyo
saltadiisii hawleed
waan ka seexdayoon laday
saldhigii naftaan helay
midkuu dookhu sahan saday
oo dareenku saaciday
aheey sawj gobaad tahay
by masuul.com