Heesta Sidaan kugu liito - Lyrics
Suldaan sareer.
Siday lubigaygaa
Laydhii galgacaylkuu
Leeleyda usaartay
Miyaan laxawgiisa
Ladnaan kaga raystaa 2x
ISTAAHIL
Muxuu amba laabta
Dareen kulifaaqan
Ladhkuu igu beeray
La'aanta xiskaygu
Xusuus ladiwaayay
Suldaan sareer.
leebkuu boholyowgu
Kuligay wadnahaygaa
Bal dheeho lurkiisa
Sidaan ula liitoo
ISTAAHIL
jacaylkan ilaasimay
Intuu ila ciifshay
Maxaan lodan waayay
Laxaadka jirkaygaa
Suldaan sareer.
leebkuu boholyowgu
Kuligay wadnahaygaa
Bal dheeho lurkiisa
Sidaan ugu liitoo 2x
ISTAAHIL
jacaylkan ilaasimay
Intuu ila ciifshay
Maxaan lodanwaayay
Laxaadka jirkaygaa 2x
Suldaan sareer.
Liibaan liibaan
Liibaanta jacaylka
Hadaynaan lilaahi
Laylaay uwadaagin
Miyaan miyaan macaan ladayaa
Lyrics by Cabdi Ismacil