VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yarka waan sii jeclaanayaa - Lyrics

Midkaan qalbigayga siiyay Jacayl sugan kaan u qaday Ragoo idil kaan ka soocday Sinaba ku hilmaami maayo 2x Anoon u sarbeebin una saafin Waxaan ku sugnaado qof dareema Wanaagu iga sameystee Sanku neefle ku doorsan maayo Wanaagu iga sameystee Sanku neefle ku doorsan maayo 2x Xurmada u saraysa iyo Mudnaanbaan siiyaa Xurmada u saraysa iyo Mudnaantaan siiyaa Qalbiga kama suulayee Yarka waan sii jeclaanayaa Alla waan sii jeclaanayaa Yarka waan sii jeclaanayaa Alla waan sii jeclaanayaayee 2x Wiilkii saaciday quluubta Inaan dadka uga sokeeyaa Suniyo faral iiga dhiganoo Libtiisa saluugi maayo 2x Adaa sumad geesi lagu siiyay Sadriga iyo maankaad sidataaye Dhigaa adigaa u sareeyoo Kalgacaylka adaa sameeya Dhigaa adigaa u sareeyoo Kalgacaylka adaa sameeya 2x Xurmada u saraysa iyo Mudnaanbaan siiyaa Xurmada u saraysa iyo Mudnaantaan siiyaa Qalbiga kama suulayee Yarka waan sii jeclaanayaa Alla waan sii jeclaanayaa Yarka waan sii jeclaanayaa Alla waan sii jeclaanayaayee 2x
Queue is empty
-- / --