Dharka xirashadiisiyo
Dhaqaaqa iyo laafyaha
Dhexda iyo garaaraha
X2

Midab keeda dhiinka
Ah dhabanada labenta
Leh suniyaasha lagu
Dhigay dhoolaha cas-
Aanka ah x2

Sida loo dhamaystiray
Marka aan gabadha
Dheehdaba indhahaa
Ku dhaygaga x2

Dhambaal wadahaa
Beerkaa joojiya dhaq-
Aaqoo wadnahaa
Idheeliya x2

Alowyaa ayaan dhooley
Dhalaan ay u qaadaayoo
Oo dhowrta waligii x2

Dhudhunkay ku socotiyo
Ilaa qoorta dheer ee lagu
Dhigay cabaaryaha

Dhorsananta hadalkiyo
Dhaqankiyo hidaha
Xishod aan dhantalnayn
Dhankii aan ka eegaba
X2

Dhaliil male ayaanoo
Quruxdaba dhamanted
Dhaxalbay uleedahay
X2

Dhambaal wadahaa
Beerkaa joojiya dhaq-
Aaqoo wadnahaa
Idheeliya x2

Alowyaa ayaan dhooley
Dhalaan ay u qaadaayoo
Oo dhowrta waligii x2

Exit mobile version