waxaad tahay dhamays dumar
dhaliil aan lahaynoo
RABI kala dhantaaline

naftan igu dhex nolee
dhaawac inuu ku gaadhiyo
dhibaan kaa ilaashaa

dhiiiga haba jidhkaygiyo
dhanka uu wadnuhu xigo
adigaa u helay dhaxal

kuma dhaafi karayee
dhab jacayl iga hoo
oo dhabtaada i saar

dhabanad hilaaciyo
quruxdaada dheehiyo
xubnahaaga kala dhigan

dhankastoona ka eegaba
waad dhugasho wacanto
dheemankaaga midabka ah

dhaqankiyo asluubtana
dumar lagugu dhararshoo
kuu dhigan ma lahee

Exit mobile version