Ganadhyahay hugeediyo
Garaadkeedu wacanyahay
Midabkaagan gaarka ah
Goray u eeg muuqa oo

Guur doonayaan ahay
Gayaankaana waan ahay
Geeraarada kalgacalkiyo
Gabayada ma garataa

Goodkii shinbiro dila
Isagoon garaabayn
Ayuu gees u baydhaa
Badiyaa galgalashada

Gabayahaw u jeedada
Adoon hadalka gees marin
Galayr dumar miyaad tahay
Bal gadaada ii sheeg

Galad EEBE weeyee
Laafyaha garaaraha
Adigoon i gees marin
Geedka miraha maad guran
Gun dhig reerka ma u noqon

Anigoon kuu gafayn adi
Geenyo aanad goyn karin
Gacan laguma dayo madhan
Galayr ima taqaanide
Inaad gaabsataa roon

Kol kastoo aan joogaba
Gadaal kuuma celiya
Garan maayo waxaad gocan
Gardarada u aabo ah
Gacalooy ha fududaan

Garasho iyo nasiibkay
Garaadkaygu igu filan
gooyaayo warkaagee
Gadaal ha iigu soo noqon

Exit mobile version