aramida jacaylkiyo
il nugaylka kalinimo
aadaniyo xaawaa
u adkaysan waayee
ana xaajo ugubiyo
asaraar ma keenine
cishqigaad abuurto
aragtida ka beermaa
la itaal dareeyee
anba kuguma eegteen
eedaadka caashaqa
hadaad ii ildarantee
amaraneey wax ila qabo
arintayda maaree
gacal kala irdhoobiyo
indho caashaq daashaday
midna uur ku taaliyo
ilmo kama dhamaatee
ana ubax la moodyeey
naftu olol ma daysoo
ililaha wadnahiyo
agagaarka beerkaad
inanyahay ku taalaa

Exit mobile version