VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haye haye - Lyrics

ku helaa nasiib lee hanaankaaga socodkiyo haybadaada quruxdiyo habsamida talaabada waxa tahay hormud dumar tuu hankaygu raacee ku heshaa nasiiib lehe hanti waxaad u leedahay dulqaad cidi helayniyo suugaanta hodonka ah hugunkiyo codkaagaa halyaygii ragaa tahee aan heesta joojoo aaah halkii la igu maray sida hoorimaad diriri kuu hoorsho luuqdee waan kuu hiloobee aaaah halbawlaha wadnaha iyo hanaqa iyo laabtaba aan kuu hibeeyee hida raacayaayee hurgumada jacaylkiyo adna hilawga caashaqa hareertaadaa haye haye hareertaada ka adkee naftu way ku hibatoo aniguna hubaashii kuu heermay adigee haye haye hareertaada haye macaanoow sida hogol daruuroo adigoo haraad qaba dusha kaa hadhaysoo kuu hoortay goor wacan gabadhyahay hubaashii waan kuu hinqanayaa sida haleelo geeloo ka halawday xeradii horaadadu darareen marka uu habeen dhaxo habid looga waayaan ana kuu holanayaa aan heesta joojo haaaaa halkii layg maray sida hoorimaad dirir kuu hoorsho luuqdee waan kuu hilooobee haaaa halbawlaha wadnaha iyo hanaqa iyo laabtaba aan kuu hibeeyeee hida raacayaayee hurgumada jacaylkiyo adna hilawga caashaqa hareertaadaa haye haye hareertaada ka adkee naftu way ku hibatoo aniguna hubaashii kuu heermay adigee haye haye hareertaada haye macaanoow
Queue is empty
-- / --