asaasbaa ii tahoo
aduunyada waxa ku nool
anigu hooyooy macaan
adaan kuu jeclahay

adaa uurkaaga iyo
adhaxda igu qaadayoo
isiiya horagaloo
indhaha ii kala furee hooyoy

iskool anigoo galin
afkaan ku hadlaayayiyo
akhlaaqda wanaagsaniyo
adaabta adaa i baray hooyoy

dhibta iga kaa soo martiyo
abaalkaagana marnaba
anigu maba gudi kare
hooyoy macaaney
allow janadii ku gee hooyoy

ila saddex jeer ayaa
aabaha ka xaqbadan tahoo
adaa na huba ilmaha
run ahaan dhashee

intuu rag is laynayoo
anaa reer hebel lawadaa
adaa ceeb gelininoo
agoon maan korinayee hooyoy

amaan waxa kuugu filan
udgoone nabiga oo
ifkaba ugu khayr badnaa
inaad adigu dhashay hooyoy

aduunyada san ku joog
adoon arag wax dhiba
aakhiro goortaad tagtana
adigiyo aababa
allow janada gee aamiin

Exit mobile version