ilayskaa cadceediyo iftiinka bil soo baxdaay
indhaha nuurkoodiyeey
allaa ku wanaajiyoo adigoo kale lama helo
waxaad tahay ehlu khayr
amaana waxaa iska leh abihii iyo hooyadii
sidaa kuu abaabiyeey
ikraantaan doonayiyo ayaan dhaladbaad tehee
allow kaa raali noqo
adaabta wanaagsaniyo akhlaaqdiyo tii dabciga
illaahay siiyayee
unugyada dhiiga iyo arwaaxdaydaad dagtoo
uurkaygaad sudhantehee
illaahay suu ogyahay islaamkuna marag ka yahay
aadbaan kuu jecelehee

Exit mobile version