Ubaxay ilwaad
Caraf iyo udgoon
Isha deeqdayee
ku istiraaxeee
edab iyo asluub
caqli iiyo garaad
ehel daacadoo
naftu aamintaay
isirkii wacnaa
asal dhalashadaa
ubadkayga hooyadood
faadumaay
ooridaan jeclaa
abid samo ku waar

ilbaxnimo aqoon
akhlaaq iyo wanaag
aminkii kastaba
isoo sii jiidataay
anigaa runtii
abaal kuu hayee
amaanad illaah
aduunyada ku joog
isirkii wacnaa
asal dhalashadaa
ubadkayga hooyadood
faadumaay
ooridaan jeclaa
abid samo ku waar

Exit mobile version