qurux aan la dadi karin oo aan dumarba kula wadan
midii loogu deeqee naftu damacdaybaad tahay
dabnaha madaw iyo ciridkaagan dugulka
indhahaagan deeree sunayaashu daaheen
markan araga daymada ku dhugtoon ku daawado
sabaax waxaan dareema inaan kuu damqanayoo
dookhaygii aad tahay
dumar taan la arag iyo dadba ugu qurxooneey
xuural caynta dunidiyo daawadan sugaayay
midabkaagan dahabka ee dayax nuurayoo kale
aan ku diirsanaayee aanan dayi karaynee

Exit mobile version