Heesta Samir - Lyrics
qalbigani sahwiga saldhiga u noqdow
saqiirkiyo dhashani intay sabi yihiin
samirbaan samirbaan ku farayaa
khaladkiyo saxana dusha saaro oo
u ahaw salaan sido oo ha dhigin
sanadii tagtiyo sula ruux wacnaa
saakaba hadaan waanadu solayn
sababaa jirtiyo sir kaloo qarsoon
naftaydaay samaha ha ka noqon sabool
sal fudaydku waa sumad guul daree
dhawr saa dhawr saa danbana
wararkana ka soon seetee niyada
ka tolnoow sankoo sir ma qabe ahaw