Jooqle:
Dheehaaga iyo
Qurux iyo dhameys
Rabaa kuu dhashoo
Sidii ubax dhashaad
Ishu kaa dhergeyn

Warda:
Ruux aan dhowro-oo
Dhaayuhu qabtaan
Oo aan la dhacoo
Dhulkaan kuma arkinee
Igu dheeridaa

Jooqle:
Waqti dheer ayaan
Kaa dhul sugaayoo
Dhaxantu idishoo
(Weey iga dhantee)2
Dhantee Dhantee Dhantee
Dhinacaaga qaboo

Warda:
Dhaqankiyo hidaha
ayaan dhowrayoo
Dhab baan kuu jeclaa
(Wax kastoo dhacaba)2
Dhacaba Dhacaba Dhacaba
Kuma Dhaafayee

Jooqle:
Alla haduu ka dhigoo
Waxaan dhowrayaa
Adoo ii dhaxoo
Ubad ii dhaloo
Dhimirku ii dagee

Warda:
Dharar iyo habeen
Dhuubanoow adaa
Ii dhalaala oo
Hurda kama dhergoo
Dheeftii waan ka go’ay

Jooqle:
Waqti dheer ayaan
Kaa dhul sugaayayoo
Dhaxantu idishoo
(Weey iga dhantee)2
Dhantee Dhantee Dhantee
Dhinacaaga qaboo

Warda:
Dhaqankiyo hidaha
ayaan dhowrayoo
Dhab baan kuu jeclaa
(Wax kastoo dhacaba)2
Dhacaba Dhacaba Dhacaba
Kuma Dhaafayee

Jooqle:
Weey iga dhantee
Dhantee Dhantee Dhantee
Dhinacaaga qaboo

Warda:
Wax kastoo dhacaba
Dhacaba Dhacaba Dhacaba
Kuma Dhaafayee

Lyrics By Hage

Exit mobile version