Arday yahay dadaaloo
Dugsiyada waxbarashada
Udareera oo taga
Haka daahin waligaa
Daya macalinkiinoo
Diintiyo aqoontiyo
Kaga dayda adaabtoo
Anshaxiisaa door bida
Doqon lagu qasaara
Dib u qoomamaysee
Ardayahay dadkiiniyo
Waalidkiin ha diirsado
Calankaa dushiiniyo
Dalku waa idin sugayaa
Umadaha aduunyada
Inagaa udambaynee
Da'yartii dhulkaygaw
Doorkiinii weeyaan
Darajiyo cilmiga badan
Dagdag laguma gaadhee
Abidkiin dulqaadiyo
Samirbaad ku daraysaan
Aan dayaxa gaadhnoon
Diyaarado samaynee

Exit mobile version