VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta hobeeya mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Jaabir jarkabood
hobeeya

hobeeya hobaale
habeen iyo dharaarba
adaan ku haybinaaye
had iyo jeer is huri maynee
waxaan ku hamiyaa
inaan is haleelnee
hobeeya hobeeya hoyaale
sida xamag habiinka
hawada sameeya
adaa nafta habaaya
u haya ogsajiinta
hilbaha jidhkayga
halbawlaha dhiiga
huqiyo qabsinkayga
xididada i haysta
adaa kala hagaaya
wadnaha ku hagaajee

hobeeya hobeeya hobaale
sida heego curatiyo
hobalo da,aysaa
waxaan ku hirtaa
hibooy muuqaagiyo
haybadiyo asluubta
dabci haboonidaade
hobeey hoobeeya hobaale
hanaankiyo muuqa
kartidiyo hufnaanta
hawlkarnimadaada
hubsiimo dhaqaaqda
hawraartiyo weedha
hadal macaanidaada
hagaag wa u sheega
quruxdiyo hubqaadka
gidigoodba haweenka
adaa ugu horeeya

codkii Jaabir jarkabood