wakhtigu markuu kugu xumaado
ku noqo mawlihii ku uumay
balwadu waa buur dumaysee
walaalkaygiyoow ka weeco
waalidkeen ha wareerin
warr xun alle naga xijaabye
waligaa ha iska waalin
walwal xumo ha isku beerin
walaalkaygibaa tahee
u weeco wadada illaahay
wanaagiyo khayrka doono
aduun waa waalalawe
samada wadadiisa raadso
iblayska warkiis ka weeco
salaada u wayso qaado
wanaagiyo samaha raaadso

aduunyadu waa wakhtiye
hadh iyo weeriyo banaan
wad iyo malag baa jiree
qof waaraya lama hayee
adoon waanadayda qaadan
intaad wacan tahay ka firso
wanaagiyo samaha qaado
walaalkaygibaa tahay
kuwaan isku wiirsanaynin
walwaalow iyo dhibaato
ka weecdo inaan ahaano
walaalkayoow saw ma fiicna
inaad wehel ii ahaato
u weeco wadada illaahay
wanaagiyo khayrka doono
aduun waa waalalawe
samaha wadankiisa raadso
iblayska warkiis ka weeco
salaada u wayso qaado
wanaagiyo samaha raaadso

Exit mobile version