yaa diidan dawladnimadii
yaa diidan isku duubnidii
yaa dumshay yaa diirtay
dalkaygii o dambigaa leh
yaa dooxay duqaydii
iyo dumarkii dabargooyay ubadkii
waa su,aal da,wayne
dagdag iiga jawaaba

yaa diidan dawladnimadii
yaa diidan isku duubnidii
dulaankiyo af duubkiyo
doonyaha bada yaa ka dambeeya
hada yarkan wajiga duuban
is dila yidhiyoo
is miidaanka u diray

yaa diidan dawladnimadii
yaa diidan isku duubnidii
dadku waa xigaaliyo
dir walaalaa isku diina
yaa dab kala dhex dhigay
yaa dagare doc waliba
xuduud daraniyo
daah kala dhex dhigay

Exit mobile version