VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhigaa xamar - Lyrics

Jacaylkaagaa I dhiboo Sidii ruux xalay dhashaa Intaa in dhawaaqayaa 2× Dharaartaanan ku arag Sidii ruux dhoohanoo Xiskiiisii laga dhimaan Dhabaha gurigiina taga Dhexdiisuun kugu sugaa Dadkuna igu dhaafayaan Dhexdiisuun kugu sugaa Dadkuna igu dhaafayaan 2× Dhigaa dhigaa dhigaa Dhigaa xamar kuma hayee Adoon igu dhago adkaan Naftaan dhooleey ku jecel Inaabti u soo dhawoow 2× Jacaylkaaga idhex galay Hurdada iga dheelmiyoo Adaan kuu dhimanayaa 2× Cishqigan I dhantaalayee Aadmigu ceebiyo dhag xumo Intaa I dhaliilayaan Hadmaad dhinacaaga qaban Xumaha aad ka dhawriyoo Wanaag ku dhamaynaysaa Xumaha aad ka dhawriyoo Wanaag ku dhamaynaysaa 2× Dhigaa dhigaa dhigaa Dhigaa xamar kuma hayee Adoon igu dhago adkaan Naftaan dhooleey ku jecel Inaabti u soo dhawoow 2×
Queue is empty
-- / --