Jacaylkaagaa I dhiboo
Sidii ruux xalay dhashaa
Intaa in dhawaaqayaa

Dharaartaanan ku arag
Sidii ruux dhoohanoo
Xiskiiisii laga dhimaan
Dhabaha gurigiina taga
Dhexdiisuun kugu sugaa
Dadkuna igu dhaafayaan
Dhexdiisuun kugu sugaa
Dadkuna igu dhaafayaan

Dhigaa dhigaa dhigaa
Dhigaa xamar kuma hayee
Adoon igu dhago adkaan
Naftaan dhooleey ku jecel
Inaabti u soo dhawoow

Jacaylkaaga idhex galay
Hurdada iga dheelmiyoo
Adaan kuu dhimanayaa

Cishqigan I dhantaalayee
Aadmigu ceebiyo dhag xumo
Intaa I dhaliilayaan
Hadmaad dhinacaaga qaban
Xumaha aad ka dhawriyoo
Wanaag ku dhamaynaysaa
Xumaha aad ka dhawriyoo
Wanaag ku dhamaynaysaa

Dhigaa dhigaa dhigaa
Dhigaa xamar kuma hayee
Adoon igu dhago adkaan
Naftaan dhooleey ku jecel
Inaabti u soo dhawoow

Exit mobile version