Maamushadii danteenaay
Laga maarmi karinaay
Maamushadii danteenaay
Laga maarmi karinaay
Badalkeed midaan
Marna aan helaynaay
Maan hilawga beertaay
Maan hilawga beertaay
Maan hilawga beertaay
2×
Taan u muhanayaay
Muxibadeed I sidataay
Ii muuqanaysaay I maqsuudinaysaay
Ii muuqanaysaay I maqsuudinaysaay
I maqsuudinaysaay manfaceeda dhawraa
2×
Ixtiraam mug weyn iyo
Adigaa mudnaan iyo
Maamuusba iga mudan
Ii saaran madaxee
Farxiyaay arinkeena meel mari
2×
Hoygeen masuulkiis tii u madax ahaydaay
Hoygeen masuulkiis tii u madax ahaydaay
Madashaad ka maqan tahay
Macno yeelan maysee
Muftaaxeenii noloshaay
Muftaaxeenii noloshaay
Muftaaxeenii noloshaay
2×
Maaraynta hawlaheeniyo
Kala moosi maysaay
Marti iyo xigaalaba
Magac noogu yeelaay
Marti iyo xigaalaba
Magac noogu yeelaay
Magac noogu yeelaay
Mahad looga celiyaay
2×
Ixtiraam mug weyn iyo
Adigaa mudnaan iyo
Maamuusba iga mudan
Ii saaran madaxee
Farxiyaay arinkeena meel mari
2×
