Jacayl aan weyso qabin
Ayaa i wareeriyoo
Naftayda walaaciyee
2x

Siduu igu kaa wanjalay
Wadhida iga raacda iyo
Wahey ceebtuu i baday
Wuxu wadhaybaa yaqaan
2x

Jacayl aan weyso qabin
Ayaa i wareeriyoo
Naftayda walaaciyee
2x

Siduu igu kaa wanjalay
Wadhida iga raacda iyo
Wahey ceebtuu i baday
Wuxu wadhaybaa yaqaan
2x

Hadaad wacantoo wakhtigu
Wanaagu agtaada yaal
Sidii ruux waalanbaa
Intaa u wareegayaa
Warkeenina hadeer dhamaa
2x

Warmuhu ila dhacay kalgacal
Adaan iga waabinoo
Wanaagaygaa ku dhibaa
2x

Waxyeelada caashaqana
Adoo waji fiican iyo
Wanaagii ka leexdaybaa
Wahey ciilkaa i baday
2x

Warmuhu ila dhacay kalgacal
Adaan iga waabinoo
Wanaagaygaa ku dhibaa
2x

Waxyeelada caashaqana
Adoo waji fiican iyo
Wanaagii ka leexdaybaa
Wahey ciilkaa i baday
2x

Hadaad wacantoo wakhtigu
Wanaagu agtaada yaal
Sidii ruux waalanbaa
Intaa u wareegayaa
Warkeenina hadeer dhamaa
2x

Exit mobile version